Askari Ka Tirsan Ilaalada Madaxweynaha Jubaland Oo Lagu Qabtay Isku Day Baxsi

0

Muqdisho – Askari ka tirsan ilaalada Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa lagu qabtay isku day uu ku doonayay inuu la baxsado qori nooca BKM ah gudaha Villa Soomaaliya, sida uu Shabelle u xaqiijiyay mid kamid ah saraakiisha hoggaamisa ilaalada.

 

Sarkaalka ayaa sheegay in askarigaasi uu isku dayay inuu si qarsoodi ah uga baxo xarunta isaga oo wata hubka, balse ilaalada ayaa si degdeg ah u ogaaday arrinta, kuna guuleystay inay gacanta ku dhigaan askariga iyo qorigiisii kahor inta uusan ka bixin goobta.

Sidoo kale, sarkaalka la hadlay Shabelle ayaa si cad u beeniyay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegayay in askariga iyo hubkiisii ay wali maqan yihiin. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xaaladdu ay si buuxda gacanta ugu jirto ciidanka, isla markaana tallaabooyin amni oo degdeg ah la qaaday.

Dhanka kale, warar dheeraad ah oo la helay ayaa tilmaamaya in xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay xiriir la sameeyeen askariga, iyagoo ku dhiirrigelinayay inuu baxsado isaga iyo hubkiisaba. Hase yeeshee, isku daygaasi ayaa fashilmay kadib markii ilaalada Madaxweynaha Jubaland ay si buuxda uga hortageen dhacdada.

Ilo-wareedyo ayaa intaa ku daray in dhacdadan ay sare u qaadday feejignaanta amni ee xarumaha dowladda, isla markaana la bilaabay baaritaan lagu xaqiijinayo cid kasta oo ku lug lahayd isku dayga baxsashada iyo sida ay suurtagal ku noqotay in askari hubeysan uu damco tallaabo noocaas ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here