Muqdisho – Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen dhammaan saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amniga Caasimadda, iyadoo Taliyuhu ka dhageystay saraakiisha warbixinno la xiriira dhacdooyinkii toddobaadkii tagay iyo howlgalladii la fuliyay.
Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay qorshayaal cusub oo lagu xoojinayo amniga, laguna dardargelinayo la-dagaallanka maandooriyaha iyo falalka anshaxa lidka ku ah. Saraakiisha ayaa isla qaatay in la kordhiyo howlgallada joogtada ah, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada si loo xaqiijiyo amni waara.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa faray saraakiisha in la laba-jibaaaro dadaallada sugidda amniga Caasimadda, si bulshada ugu dhammeystaan bisha barakeysan ee Ramadaan jawi nabdoon oo xasilloon.






