Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC) ku soo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo madaxa cusub ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA), Mudane Per Karlsson, oo ay weheliso Marwo Cecelia.
Xarunta NEOC, oo lagu dhisay taageerada SIDA, ayaa haatan si buuxda u shaqeysa, iyadoo door muuqda ka qaadaneysa isku-duwidda gurmadka degdegga ah iyo maaraynta musiibooyinka dalka, taas oo astaan u ah sida ay Dowladda Sweden uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada u adkeysiga bulshada iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah, horumarinta isku-duwidda heer qaran, hirgelinta tallaabooyinka ku saleysan saadaasha hore (anticipatory action), iyo sare u qaadidda awoodda hawlgallada degdegga ah.
Wafdiga ka socday Dowladda Sweden ayaa sidoo kale booqasho qiimeyn ah ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarunta, iyagoo ku ammaanay SoDMA sida ay ugu diyaargarowday ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah, gaar ahaan abaarta ka jirta dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo gurmadka iyo u-diyaargarowga musiibooyinka.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si gaar ah u bogaadiyay garab istaagga Dowladda Sweden ee la xiriira howlaha maareynta musiibooyinka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa SoDMA iyo SIDA.





