Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kulan Afur ah la Qaatay Shaqaalaha Xafiiskiisa

0

Muqdisho — Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan afur ah la qaatay mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ku bogaadiyey dadaalkooda naf-hurka ah ee ay ugu adeegayaan Qaranka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay laf-dhabar u yihiin hirgelinta siyaasadda iyo qorshayaasha Xukuumadda DanQaran, iyaga oo si joogto ah ugu howlan horumarinta dalka iyo kor u qaadista tayada adeegyada la gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa sidoo kale xusay muhiimadda bisha barakeysan ee Ramadaan, isaga oo ku adkeeyey in laga faa’iideysto fursadda ay bishani bixiso, la is naxariisto, lana garab istaago dadka ay abaaruhu saameeyeen ee tabaalaysan.May be an image of one or more people

May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here