Wasiirrada Cadaaladda iyo Ganacsiga oo ka Wada Hadlay Dhismaha Maxkamado Ganacsi

0

Muqdisho — Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa xarunta wasaaradda kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

 

Kulanka oo ay ka qeyb galeen khubaro ka socotay labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo dardargelinta dadaallada lagu xoojinayo ganacsiga Soomaaliyeed, si loo helo sal sharci oo adag oo aas-aas u noqda nidaamka ganacsiga dalka.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah loo falanqeeyay dejinta hannaan sharci oo lagu xalliyo murannada iyo khilaafaadka ganacsi, iyo sidoo kale dhismaha maxkamado u gaar ah arrimaha ganacsiga.

Labada Wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay in Wasaaradda Cadaaladda ay qaadato doorka hoggaaminta dhismaha maxkamadahaas iyo dejinta habraacyada sharci ee lagu maamuli doono, halka Wasaaradda Ganacsiguna ay soo dhameystiri doonto xeerarka iyo sharciyada lagama maarmaanka u ah horumarinta iyo ilaalinta ganacsiga.

Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay in la magacaabo guddi howleed farsamo oo ka kooban labada Wasaaradood, si ay u diyaariyaan hanaanka iyo qorshaha lagu hirgelin lahaa arrimaha la isku raacay.May be an image of one or more people and textMay be an image of suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here