Muqdisho — Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa guddoomiyey kulanka billaha ah ee Wasaaradda, kaas oo ay ka soo qaybgaleen Agaasimeyaasha Waaxyaha, Madax-qeybeedyada iyo Lataliyeyaasha.
Ajandaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray Fulinta Qorshaha Shaqooyinka ballanqaadka Wasaaradda ee sannadka 2026 Dardargelinta kulamada joogtada ah ee waaxyaha Soo gudbinta warbixinnada lagama maarmaanka ah Anshaxa iyo hab-dhaqanka shaqada
Tababarrada iyo kor u qaadista karaanka shaqaalaha.
Intii uu kulanku socday, waxaa la soo bandhigay warbixinno kala duwan oo ku saabsan habsami-u-socodka shaqada. Agaasimeyaasha Waaxyaha ayaa madasha ku soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo waxqabadka waaxyaha iyo shaqaalaha.
Agaasimaha Guud, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta isla-xisaabtanka iyo hubinta fulinta ballanqaadyada Wasaaradda ee 2026.
Waxa uu faray waaxyaha inay diyaariyaan qorshe-hawleedyo waafaqsan himilooyinka iyo hortabinnada Wasaaradda, si loo xaqiijiyo hirgelinta howlaha qorshaysan.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyey ahmiyadda anshaxa shaqada iyo dhaqangelinta sharciga shaqaalaha, isaga oo faahfaahiyey qorshaha Wasaaradda ee ku aaddan tababarrada iyo kobcinta karaanka shaqaalaha, si loo tayeeyo waxqabadka guud iyo tayada adeegyada la siiyo bulshada.






