Muqdisho – Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose ee Muqdisho ayaa si buuxda u soo dhaweeyay go’aanka taariikhiga ah ee ay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo muddo dheer ku soo jiray geeddi-socod qabyo-tir ah.
Maamulka ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay bulshada ku dhaqan caasimadda Muqdisho, iyagoo xusay in dastuurku uu si cad u qeexay maqaamka maamul iyo matalaadda siyaasadeed ee caasimadda, taas oo ay bulshada Muqdisho muddo dheer baadi-goob ugu jirtay.
Sidoo kale, maamulka ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay billow guul ah oo la rajeynayo in ay horseedi doonto guulo kale oo isdaba-joog ah oo qaranku si wadajir ah u gaaro.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u mahadceliyay Guddoonka Labada Aqal iyo xildhibaannada ansixiyay dastuurka, iyagoo sidoo kale bogaadiyay hoggaanka sare ee dalka, gaar ahaan Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre, oo ay sheegeen inay muujiyeen dhabar-adayg, daacadnimo iyo rabitaan dhab ah oo lagu guuleysto dadaallada dowlad-dhiska ee muddada dheer socday.
Ugu dambeyn, maamulka ayaa bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed ee si farxad leh u soo dhaweeyay ansixinta dastuurka, iyagoo xusay in falcelinta togan ee shacabka ay muujinayso rabitaanka xooggan ee ah in dalka horay loo sii wado lagana gudbo caqabadaha siyaasadeed ee muddada dheer jiray.



