Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Mahadceliyey Doorka Baarlamaanka Ee Dhammeystirka Dastuurka

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan af-fur ah oo uu la yeeshay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey dadaalka, dulqaadka iyo mas’uuliyadda ay muujiyeen muddadii ay socotay shaqada qaran ee dhammeystirka Dastuurka dalka.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guushan ay tahay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowladnimada, midnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka. Waxa uu sidoo kale adkeeyey in Dastuurka la dhammeystiray uu saldhig u noqon doono dhismaha hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee ku dhisan sharciga iyo isla xisaabtanka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u bogaadiyey khubaradii Soomaaliyeed iyo guddiyadii farsamo ee ka shaqeeyey in la gaaro heshiis qaran oo ku saleysan danaha shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in guushan lagu gaaray dadaal iyo wadashaqeyn gudaha ah oo aan ku tiirsanayn kaalmo shisheeye.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku boorriyey Xildhibaannada iyo dhammaan hay’adaha dowladda inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran oo ka tarjumaysa rabitaanka iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.May be an image of daisMay be an image of one or more people, beard and suitMay be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here