Agaasimaha NISA Oo Ka Qayb Galay Munaasabad Lagu Sagootinayey Kaaliyihii Hore Ee Amniga Hay’adda

0

Muqdisho – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa ka qeyb galay kulan afur ah oo lagu sagootinayay Kaaliyihii hore ee Amniga NISA, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, kaas oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Agaasimaha NISA ayaa munaasabadda ka hadlay, isagoo bogaadiyay doorkii muuqday ee uu Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar ku lahaa sugidda amniga qaranka iyo howlaha ay hay’addu u xilsaaran tahay. Wuxuu sidoo kale u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda cusub ee loo igmaday.

Munaasabaddan oo ka dhacday Taliska Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan hay’adda.

Ugu dambeyn, Kaaliyihii hore ee Amniga NISA ayaa lagu guddoonsiiyay Shahaado Sharaf, taas oo lagu maamuusayay shaqadii naf-hurnimada ahayd ee uu ka soo qabtay sugidda amniga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here