JUBA – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa Khamiistii magacaabay Janaraal Sare Junhui Wu oo ka tirsan Shiinaha inuu noqdo taliyaha cusub ee ciidamada Qaramada Midoobay ee hawlgalka nabadda Koonfurta Suudaan (UNMISS), sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay.
Janaraal Wu ayaa beddelaya Janaraal Sare Mohan Subramanian, kaasoo Guterres uga mahadceliyey hogaamintiisii wax ku oolka ahayd ee UNMISS.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Janaraal Wu uu la yimid 40 sano oo khibrad hoggaamineed iyo hawlgal shaqo ah oo uu ka soo qaatay Ciidanka Dadka ee Shiinaha (PLA) iyo howlgallada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay.
Koonfurta Suudaan, oo ah dalka ugu da’da yar aduunka, ayaa xornimadeeda qaadatay bishii Luulyo 2011, hase yeeshee dagaal sokeeye ayaa ka bilowday bishii Diseembar 2013 kadib markii Madaxweynaha Salva Kiir Mayardit uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku-xigeenkii xilligaas Riek Machar, isagoo ku eedeeyey inuu damacsanaa afgambi.
Inkasta oo heshiis nabadeed la gaaray sanadkii 2018 iyo in la sameeyey dowlad midnimo ku meel gaar ah, haddana dagaallo iyo xiisado siyaasadeed ayaa weli ka jira dalka.
Dagaallada u dhexeeya Ciidamada Koonfurta Suudaan (SSPDF) iyo Ciidamada Mucaaradka ee SPLA-IO oo uu hoggaamiyo Oyet Nathaniel, ku xigeenka guddoomiyaha SPLM-IO, ayaa cirka isku shareeray tan iyo Diseembar 2025 gobolka waqooyi ee Jonglei.
Xiisadaha siyaasadeed ee 2025 ayaa muujiyey kala qaybsanaan qoto dheer oo ka jirta dowladda ku meel gaarka ah ee la aasaasay heshiiska nabadda 2018. Dagaallada ugu horreeyey ayaa la soo sheegay Janaayo 2025 gobolka Western Equatoria ka hor inta aanay ku fidin waqooyi.
Riek Machar ayaa tan iyo Maarso 2025 ku jira xabsi guri, isla markaana waxaa horyaala maxkamad.




