Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa si adag uga horyimid dastuurka cusub ee uu saxiixay Madaxweynaha xilka haya Hassan Sheikh Mohamud.
War-saxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in tallaabada uu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay xoojinayso khataraha ku gadaaman dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Farmaajo ayaa tilmaamay in mowqifyada dowlad-goboleedyada qaarkood, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka oo qaaddacay fadhiyada la xiriira dastuurka, iyo sidoo kale madaxdii hore ee dalka ay muujinayaan in aan la helin heshiis siyaasadeed iyo mid bulsho oo sharciyad siinaya habraaca loo maray wax-ka-beddelka dastuurka.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha xilka haya in saxiixa dastuurka cusub uu ka hor imanayo habraacyada ku xusan Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in arrintan ay keeni karto kala qaybsanaan siyaasadeed iyo mid bulsho.
Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu ku soo laabto wadadii wada-tashiga iyo heshiiska lagu yahay, islamarkaana muddada kooban ee u harsan uu ku qabto doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda, kuna saleysan shuruucda iyo habraacyada la isla oggolyahay ee dalka.
Doodda ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka Soomaaliya ayaa maalmahan noqotay mid si weyn uga dhex taagan siyaasiyiinta iyo hay’adaha dowladda, iyadoo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan habraaca loo maray iyo sharciyaddiisa.




