QAAHIRA — Dawladaha Masar iyo Turkiga ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay wareegii saddexaad ee wadatashiyada diblomaasiyadeed ee ku saabsan arrimaha Afrika, iyagoo diiradda saaray xasiloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.
Kulamada, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar, ayaa looga hadlay caqabadaha amni ee ka jira gobolka, gaar ahaan xiisadaha ka taagan marin-biyoodka Badda Cas iyo xasillooni darrada ka jirta qeybo ka mid ah qaaradda.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa dib u eegis ku sameeyay xaaladda Soomaaliya. Waxay ku adkeeyeen muhiimadda midnimada iyo ilaalinta dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sidoo kale isku raacay in la xoojiyo dadaallada lagu caawinayo dhismaha hay’adaha qaran. Sidoo kale, Masar iyo Turkiga ayaa ballan-qaaday inay sii wadi doonaan taageerada ciidamada Soomaaliya ee la dagaallama kooxda Al-Shabaab si loo xaqiijiyo amniga dalka.
Wadatashiyada ayaa sidoo kale xooga saartay amniga marin-biyoodka Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka. Labada dal ayaa ku nuuxnuuxsaday in laga hortago in xasaradaha gobolka ay ku fidaan marin-biyoodka iyo in la ilaaliyo marinnada maraakiibta ee isku xira Yurub iyo Aasiya, kuwaas oo muhiim u ah dhaqaalaha adduunka iyo kan gobolka.
Bayaanka kasoo baxay kulanka ayaa sheegay: “Masar iyo Turkiga waxay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan ballaarinta awoodda dawladnimada Soomaaliya iyo kor u qaadista mashaariicda horumarineed ee hay’adaha dawladda.”
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Turkiga iyo Masar labaduba kordhiyeen saameyntooda diblomaasiyadeed iyo mid amni ee Geeska Afrika, iyagoo doonaya inay ka ciyaaraan door dhex-dhexaadin iyo xasillooni ka dhex abuura gobolka.



