Duqa Muqdisho oo kormeer ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir kadib dib-u-dhis ballaaran

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, kadib markii dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay xarunta, isagoo warbixin ka dhageystay howlwadeennada kala geddisan ee Agaasinka.

 

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshada, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Maamulka Gobolka Banaadir ay muhiimad gaar ah siineyso horumarinta adeegga waxbarashada, si waalidiinta canshuur-bixiyeyaasha ah ay ubadkooda ugu helaan waxbarasho lacag la’aan ah.

“Waxaan dhawaan saxiixay lacag ku dhow saddex boqol kun oo doolar, oo loogu talagalay horumarinta dugsiyada waxbarashada Gobolka Banaadir sanad dugsiyeedkiiba, taas oo aan sii kordhin doonno, iyadoo ay barbar soconayaan qorshayaal dhowaan lagu dhisi doono dugsiyo waaweyn,” ayuu yiri Duqa Muqdisho, isagoo waalidiinta ugu baaqay in ubadka loo diro dugsiyada si loola dagaallamo jahligga.

Sidoo kale, Dr. Muungaab ayaa sheegay in la fududeeyay helitaanka shahaadada dugsiga dhexe, oo markii hore culeysyo ka taagnaayeen, asigoo kula dar-daarmay bahda waxbarashada in si hufan oo caddaalad ah loo qaado imtixaannada sanad dugsiyeedka ee soo socda.May be an image of ‎newsroom and ‎text that says "‎0 لنا GOBO * K REGIONAL DUCATION ក្‎"‎‎May be an image of one or more people, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here