BOOSAASO – Militariga Mareykanka ayaa sheegay inuu duqeyn cirka ah la beegsaday kooxda Daacish ee ka howlgasha buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, iyagoo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqeyntu dhacday 16-kii bishan, laguna bartilmaameedsaday dagaalyahanno ku sugnaa meel qiyaastii 45 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada dekedda leh ee Boosaaso.
AFRICOM ayaa xusay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda Daacish, oo 2015-kii lagu aas-aasay Calmiskaad, oo katirsan Maamulka Puntland.
“Taliska AFRICOM, isagoo garab ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuu sii wadaa tallaabooyinka lagu dhimayo awoodda Daacish ee khatarta ku ah amniga iyo danaha Mareykanka, ee Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.
Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, mana cadda in ay jiraan dad ku dhintay ama ku dhaawacmay. Puntland ayaa tan iyo dhamaadkii 2024 dagaal kula jirta Daacish, iyadoo ku guuleysatay inay kala wareegto inta badan deegaanada uga sugnayd buuraha Calmiskaad.



