Koonfur Galbeed oo sheegtay in hubkii Masar loo adeegsanayo dagaal sokeeye

0

Baydhabo – Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, ayaa si adag uga hadlay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed State iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo soo bandhigay eedeymo la xiriira adeegsiga hub shisheeye.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qoryo ay hore Masar u siisay dowlada Soomaaliya, kuwaas oo loogu talagalay xoojinta amniga qaranka iyo la dagaallanka Al-Shabaab, si khaldan loogu adeegsanayo khilaafka  siyaasadeed ee gudaha dalka.

Sida uu sheegay, hubkan ayaa hadda lagu wareejiyay maleeshiyaad ku sugan degmada Buurhakaba, kuwaas oo loo adeegsanayo shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrintani ay si toos ah uga hor imanayso ujeeddadii markii hore hubkaas loo bixiyay.

“Hubkan waxaa loogu talagalay difaaca qaranka iyo la dagaallanka cadowga, mana aha mid loo adeegsado khilaafaadka gudaha ama shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Cali Saciid Fiqi ayaa sidoo kale ka digay in adeegsiga hubka qaran ee dano siyaasadeed ay keeni karto xiisad hor leh, kala qeybsanaan bulsho, iyo halis ku timaadda nolosha dadka rayidka ah.

Xiisaddan ayaa imanaysa iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Koonfur Galbeed State iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo la xiriira arrimo ay ka mid yihiin faragelin siyaasadeed, maamulka doorashooyinka, iyo awood qaybsiga.

Hadalkan ayaa muujinaya heerka cusub ee uu gaaray khilaafka u dhexeeya labada dhinac, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu isu beddesho mid amni darro keenta haddii aan xal siyaasadeed degdeg ah la helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here