MUQDISHO – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, ayaa shaaca ka qaadday in xafiiskeedu uu si dhow oo walaac leh ula socdo xaaladda colaadeed ee sii kordhaysa ee ka taagan deegaannada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Qoraal ay soo saartay Safiiradda ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in xaaladda hadda taagan lagu xalliyo degganaan iyo wada-hadal. Francesca Di Mauro waxay ku boorisay dhammaan dhinacyada ay khuseyso in la muujiyo is-xakamayn, iyadoo carrabka ku adkaysay in xilligan ay muhiimad weyn leedahay in la furo albaabbada wada-hadalka si looga baaqsado iska horimaad ama xasilooni darro ka dhalata khilaafka taagan.
Safiiradda ayaa sidoo kale xustay in Midowga Yurub uu soo dhoweynayo dadaal kasta oo dhex-dhexaadin ah oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda. Waxay baaq u dirtay madaxda iyo waxgaradka inay fursad siiyaan dedaallada nabadeed ee socda, si loo gaaro xal waara oo u adeegaya danta shacabka ku nool deegaannadaas.
Baaqan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa ku soo aadaya xilli ay cirka isku sii shareertay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed iyo mucaaradka ay dowladda Federaalka taageerayso, taas oo laga cabsi qabo inay saameyn ku yeelato amniga iyo xasilloonida guud ee deegaanka.
Midowga Yurub ayaa ka mid ah deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee taageera dowlad-dhiska Soomaaliya, waxayna mar walba ku baaqaan in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo miiska wada-hadalka si aan loo dhabar-jabin horumarka laga gaaray dhinacyada amniga iyo dimuqraadiyadda.




