Chad oo Bilaabay Inuu Qaxootiga Ka Raro Xadka Suudaan

0

N’Djamena, Chad – Dowladda Chad ayaa si degdeg ah u bilaawday in ay qaxootiga uga daadgureyso xadka ay la wadaagto Suudaan, xilli ay ciidamada dalkaasi isku diyaarinayaan in la geeyo aagga xuduudda si looga hortago weerarro ka imaanaya dhinaca Suudaan.

 

Sarkaal ka tirsan hay’adda qaxootiga Chad ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in tallaabadan ay timid kadib amar ka soo baxay madaxweynaha dalka.

Mahamat Idriss Déby ayaa todobaadkii hore faray ciidamada inay u diyaar garoobaan jawaab adag, kadib markii weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo ka timid Suudaan uu sababay dhimashada 17 qof oo reer Chad ah, oo ay ku jiraan dad ka qeyb galayay xaflad tacsi ah.

Warbixin kale oo dowladda Chad soo saartay ayaa lagu sheegay in la xoojiyay ammaanka xuduudda, isla markaana ay suuragal tahay in howlgal militari laga sameeyo gudaha Suudaan.

Masuul ka tirsan guddiga qaxootiga ee Chad, Saleh Tebir Souleymane, ayaa sheegay in wajigii ugu horreeyay ee daadgureynta ay ku jiraan ilaa 2,300 oo qof, kuwaas oo intooda badan ay yihiin dumar iyo carruur.

Qaxootigan ayaa laga rarayaa magaalooyinka xuduudda sida Tine, waxaana loo gudbinayaa gudaha dalka, gaar ahaan gobolka Ennedi Est.

“Waxaan helnay awaamiir degdeg ah oo ka timid Wasaaradda Arrimaha Bani’aadamnimada, maadaama ciidamada la filayo in ay si buuxda ula wareegaan ammaanka xuduudda maalmaha soo socda,” ayuu yiri Souleymane.

Bishii hore, Chad ayaa xiray xadka bari ee ay la wadaagto Suudaan kadib markii iska horimaadyo la xiriira colaadda Suudaan lagu dilay shan askari oo reer Chad ah.

Si kastaba ha ahaatee, qaxootigu weli way sii qulqulayaan, iyadoo sabab looga dhigay dagaalka xooggan ee ka socda gudaha Suudaan.

Colaadda Suudaan oo u dhaxaysa ciidamada dowladda iyo RSF, oo bilaabatay bishii Abriil 2023, ayaa marar badan ku fiday xadka Chad, taasoo keentay khasaare naf iyo maalba leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here