Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si diirran u soo dhaweeyey doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ku xigeennadiisa.
War-saxaafadeed uu soo saaray ayaa lagu sheegay in uu hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada, Cali Siciid Faqi, iyo ku xigeennadiisa, kuwaas oo lagu doortay magaalada Baydhabo.
Mudane Farmaajo ayaa xusay in tallaabadan ay muhiim u tahay xoojinta hay’adaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinaca sharciyadda iyo awoodda ay u leeyihiin gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii hore ee Golaha.
Sidoo kale, wuxuu hambalyo u diray dhammaan xubnaha Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed iyo guddoonkooda cusub ee maanta la dhaariyey, isaga oo u rajeeyey in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.




