Baydhabo – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa mar kale loo doortay hoggaanka dowlad-goboleedkaasi, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo.
Laftagareen ayaa ku guuleystay doorashada isagoo helay 66 cod, taasoo u sahashay inuu sii hayo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Doorashadan ayaa qayb ka ah dhismaha hay’adaha dowlad-goboleedka, iyadoo la filayo in maamulka cusub uu sii wado howlaha la xiriira amniga, horumarinta iyo xoojinta nidaamka dowladnimo ee deegaanka.



