Madaxweynihii Hore oo Laftagareen Ugu Hambalyeeyey Dib udoorashadiisa

0

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo iyo duco u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

 

Farmaajo ayaa sheegay in hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed ay horyaallaan waajibaadyo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin dardar-gelinta dib u heshiisiinta bulshada, dhammaystirka xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxaha argagixisada, iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee dadweynaha.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dowlad-goboleedyadu ay yihiin tiir muhiim u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarinta nidaamka federaalka dalka.

Madaxweynihii hore ayaa xusay in ay muhiim tahay in dowlad-goboleedyada weli muddo dhaafka ah ay si degdeg ah u qabtaan doorashooyinka laga sugayo, si loo xoojiyo sharciyadda hay’adaha dowliga ah.

Ugu dambeyn, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha dib loo doortay, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, in uu ku guuleeyo gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, gaar ahaan xaqiijinta amniga gobollada Koonfur Galbeed iyo adkeynta midnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here