Addis Ababa – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si dhow ula socda xaaladaha ka taagan maamulka Koonfur-Galbeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ku baaqay in khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Cusub ee Koonfur-Galbeed iyo Villa Somalia lagu xalliyo wadahadal nabdoon.
Guddoomiyuhu waxa uu Golaha Wadatashiga Qaran ugu yeedhay qaab-dhismeed muhiim u ah wada-hadal loo dhan yahay iyo dhisidda is-afgarad, isagoo dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyay inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan madashan si khilaafaadka loogu xalliyo si nabad ah.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hoosta ka xarriiqay in khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka lagu dhameeyo wada-hadal, isla markaana xoogga la saaro muhiimadda ay leedahay midnimada iyo iskaashiga.
Sidoo kale, wuxuu muujiyay walaaca Midowga Afrika ee ku aaddan xiisadaha sii kordhaya iyo saameynta ay ku yeelan karaan xasilloonida Soomaaliya, amniga, midnimada, iyo xaaladda bini’aadantinimo, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ka fogaadaan falalka keeni kara sii xumida xaaladda.
Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa dib u xaqiijiyay inuu si buuxda u taageersan yahay dadaallada nabadda, xasilloonida, iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya, wuxuuna diyaar u yahay inuu gacan ka geysto wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta.





