Bay – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul ka sheegtay dagaal culus oo ay la galeen kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay, kadib markii maleeshiyaadka ay isku dayeen weerar gaadmo ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ay si xooggan uga hortageen weerarka, islamarkaana ay gaarsiiyeen kooxda khasaare culus.
Sida lagu sheegay warbixinta, ugu yaraan 21 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaalka, halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay, kadib iska horimaad socday muddo kooban balse aad u xooggan.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay, oo ah marin istiraatiiji ah oo isku xira magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.



