Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay shirkadda Somali Ship Register Limited

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis is-afgarad (MoU) la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited, Mudane Çağdaş Oykun Saltaş.

 

Heshiiskan ayaa lagu dhisayaa nidaam rasmi ah oo lagu diiwaangeliyo maraakiibta Soomaaliyeed, si ay u qaataan calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa muujinaysa dadaalka joogtada ah ee dowladda ee ku aaddan horumarinta, casriyeynta, iyo maamul wanaagga arrimaha badda.

Wasiirka ayaa xusay in heshiiskan uu furi doono fursado cusub oo dhinacyada kala duwan leh, oo ay ka mid yihiin maalgashiga, shaqo abuurka, iyo kor u qaadidda sumcadda calanka Soomaaliyeed ee caalamka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in iskaashigan uu ka faa’iidaysanayo khibrado caalami ah oo kor u qaadi kara tayada adeegyada badda ee dalka.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in heshiiskani uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo muhiim u ah qorshaha dowladda ee lagu xoojinayo maamulka badda, isla markaana Soomaaliya looga dhigi karo dal si firfircoon uga qayb qaata howlaha maraakiibta caalamiga ah.May be an image of textMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here