Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalka.
Madaxweynaha ayaa danjireyaasha la wadaagay warbixin ku saabsan guulaha ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iskaashiga ku gaareen, gaar ahaan dhinacyada amniga, hirgelinta doorashooyinka tooska ah, la dagaallanka argagixisada, gurmadka abaaraha, iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey safiirada taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dib-u-dhiska dowladnimada, sugidda amniga, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Waxa uu sidoo kale xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojin doonto iskaashiga caalamiga ah ee ku saleysan ixtiraam, isfaham iyo dano wadaag.




