Madaxweynihii Koonfur Galbeed oo shaaciyay inuu iscasilay kadib xiisado ka dhacay Baydhabo

0

Baydhabo, Soomaaliya – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynihii dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu hayay, kadib xiisado iyo dagaallo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Ka dib dagaal culus oo dhex maray ciidamada dowladda iyo ciidamo ka tirsan Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed, taas oo keentay in xaaladdu faraha ka baxdo, isla markaana ay isbeddel ku yimaadaan hoggaanka maamulka.

Wararka isa soo taraya ayaa tilmaamaya in madaxweynihii hore uu ka baxay magaalada Baydhabo, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin faahfaahinta ku saabsan halka uu ku sugan yahay.

Qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha rasmiga ah ee go’aankiisa.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo la filayo in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan isbeddelka siyaasadeed ee halkaas ka dhacay.

Baydhabo, Soomaaliya – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynihii dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu hayay, kadib xiisado iyo dagaallo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Sida lagu waramayo, dagaal culus ayaa dhex maray ciidamada dowladda iyo ciidamo ka tirsan Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed, taas oo keentay in xaaladdu faraha ka baxdo, isla markaana ay isbeddel ku yimaadaan hoggaanka maamulka.

Wararka isa soo taraya ayaa tilmaamaya in madaxweynihii hore uu ka baxay magaalada Baydhabo, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin faahfaahinta ku saabsan halka uu ku sugan yahay.

Qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha rasmiga ah ee go’aankiisa.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo la filayo in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan isbeddelka siyaasadeed ee halkaas ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here