Kisangani, DR Congo — Ciidamada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo) ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah u bilaabeen qorshe hub ka dhigis ah oo ka dhan ah maleeshiyaad lala xiriirinayo xasuuqii Rwanda ee 1994-tii, tallaabadan oo loo arko mid muhiim u ah hirgelinta heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka tahay dowladda Mareykanka.
Howlgalkan ayaa si gaar ah u beegsanaya kooxda hubeysan ee loo yaqaan Ciidamada Dimuqraadiga ee Xoreynta Rwanda (FDLR), oo muddo dheer ka howlgashay bariga DR Congo, isla markaana ay ku jiraan xubno ka mid ah haraadigii ciidamadii hore ee Rwanda iyo maleeshiyaad lala xiriiriyay xasuuqii dhacay 1994-tii.
Tallaabadan ayaa imaaneysa laba toddobaad kadib markii mas’uuliyiin ka kala socday DR Congo iyo Rwanda ay kulan ku yeesheen magaalada Washington, halkaas oo ay ku heshiiyeen in dib loo dhaqaajiyo heshiis nabadeed oo la saxiixay bishii June ee sanadkii hore.
Ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee ciidamada qalabka sida ee Congo (FARDC), Lieutenant General Nduru Jacques Ychaligonza, ayaa sheegay in loo diray magaalada Kisangani si uu u hoggaamiyo diyaarinta howlgallada ka dhanka ah FDLR. Isagoo la hadlayay warbaahinta Axaddii, ayuu carrabka ku adkeeyay in maleeshiyaadka laga doonayo inay si nabad ah isku dhiibaan.
“Waa inay ku wareejiyaan hubkooda, rabitaan ama xoog,” ayuu yiri Ychaligonza, isagoo intaas ku daray in wajiga koowaad ee howlgalka uu diiradda saari doono wacyigelin iyo qancinta dagaalyahannada si ay u dhigaan hubka. “Uma baahnin dhiig daata,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in magaalada Kisangani laga sameeyay xarun gaar ah oo lagu qaabilayo xubnaha hubka dhigaya, kuwaas oo marka dambe loo gudbin doono dalka Rwanda si dib u dejin iyo la socod loogu sameeyo.
Arrintan ayaa timid iyadoo xiisad siyaasadeed iyo mid amni ay weli ka dhex taagan tahay labada dal. Dowladda Rwanda ayaa muddo dheer ku eedaysay DR Congo inay taageerto ama la shaqeyso kooxda FDLR, halka DR Congo ay iyaduna ku eedaysay Rwanda inay taageerto jabhadda M23.
Kooxda M23, oo ah fallaago hubeysan, ayaa la sheegay inay maalmihii u dambeeyay ka baxeen ugu yaraan 12 tuulo oo ku yaalla dhulka Lubero ee waqooyiga gobolka Kivu. Mas’uuliyiinta deegaanka ee uu magacaabay maamulka Kinshasa ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid rajo gelinaysa, inkastoo afhayeen u hadlay M23 uu ku tilmaamay dhaq-dhaqaaqyadan kuwo ciidan oo caadi ah.
Heshiiska nabadeed ee ay kala saxiixdeen DR Congo iyo Rwanda bishii June ee lasoo dhaafay ayaa dhigaya in DR Congo ay burburiso FDLR, halka Rwanda ay ballan qaaday inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha DR Congo. Si kastaba ha ahaatee, dagaallo goos-goos ah ayaa weli ka socda qaybo ka mid ah bariga dalka, taasoo muujinaysa caqabadaha weli hortaagan hirgelinta heshiiskaas.



