WASHINGTON – Madaxweyne Donald Trump ayaa eedeymo kulul u jeediyay xildhibaan Ilhaan Cumar iyo guud ahaan bulshada Soomaalida-Mareykanka ah ee ku nool Minnesota, isagoo ku eedeeyay inay ku kacayaan wax-is-daba-marin baahsan oo dhanka hantida dadweynaha ah.
Madaxweyne Trump ayaa ku celiyay markale sheegashadiisa ah in dadka ka yimid dalka Soomaaliya ay dalka Mareykanka soo galaan iyagoo aan wax lacag ah wadan, balse muddo kooban gudaheed ay ku iibsadaan guryo iyo gawaari qaali ah.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli maamulkiisu uu kordhiyay baaritaannada lagu hayo barnaamijyada kaalmada dadweynaha ee gobolka Minnesota, halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan dalka Mareykanka.
Xafiiska xeer-ilaalinta federaalka ayaa ku qiyaasay in wax-is-daba-marinta laga sameeyay barnaamijka caafimaadka ee gobolka ay kor u dhaafi karto $9 bilyan. Dhanka kale, sheegashooyin hore oo ka soo baxay Trump ayaa wadarta guud ee lacagaha lagu lunsaday barnaamijyada daryeelka carruurta, quudinta, adeegyada dadka autism-ka qaba, iyo guryeynta ku qiyaasay illaa $19 bilyan.
Saraakiisha Minnesota iyo xeer-ilaaliyeyaasha ayaa xaqiijiyay dhowr kiis oo waaweyn oo la xiriira musuqmaasuq. Mid ka mid ah fadeexadihii ugu caansanaa ee dhacay xilligii cudurka COVID-19 ayaa la xiriiray barnaamijka quudinta carruurta.
Eedeysanayaal badan oo asalkoodu Soomaali yahay ayaa lagu eedeeyay inay lacagihii loogu talagalay quudinta carruurta u adeegsadeen dano gaar ah.
Weerarkan cusub ee Trump ayaa mar kale sare u qaaday weerarka afka ee dadka Soomaalida, xili garsoore federaal ah oo dhawaan joojiyay qorshe in ka badan 1,000 oo Soomaali ah bishii lasoo dhaafay lagu tarxiili lahaa, kadib markii dowladda meesha ka saartay sharcigii ay dalka Mareykanka ku joogeen.



