Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Gaaray Baydhabo

0

Baydhabo – Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, oo ah xarunta gobolka Baay.

 

Wafdiga hoggaamiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan xukuumadda, siyaasiyiin deegaanka ah, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Socdaalka hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ayaa la sheegay inuu la xiriiro dhammeystirka qorshaha lagu dhisayo nidaam maamul oo cusub oo ku saleysan rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed, taas oo ay horey u ballan qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha KMG ah ayaa inta uu joogo Baydhabo la filayaa inuu kulamo la qaato masuuliyiinta, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo xoojiyo dadaallada ku aaddan xasillinta iyo dib u habeynta maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here