Hay’adda SODMA oo Kun qoys Raashiin ugu qeybisay Degmada Xudur ee gobolka Bakool

0

Xuddur – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo ku nool degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

 

Qoysaskan ayaa isugu jira dad danyar ah, dad naafo ah iyo kuwo dhawaan barakac ku yimid magaalada, kuwaas oo si weyn u saameeyeen abaaraha ka jira dalka. Deeqdan raashinka ah ayaa ka koobnayd qeybaha kala duwan ee cunnada, waxaana loogu talagalay in lagu yareeyo xaaladaha adag ee ay wajahayaan bulshada nugul.

Goobta lagu bixinayay gargaarka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha degmada Xuddur iyo guddoomiyaha gobolka Bakool, kuwaas oo si weyn uga mahadceliyay SoDMA dadaalka ay ugu jirto gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Mas’uuliyiinta ayaa xusay in gargaarkan uu yimid xilli ay dadka deegaanka wajahaan duruufo nololeed oo adag, iyagoo tilmaamay in taageeradan ay door muhiim ah ka qaadaneyso badbaadinta nolosha qoysaska tabaaleysan.May be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people and crowd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here