Baydhabo – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tegay magaalada Baydhabo, isagoo ay wehliyaan saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliyaha Ciidanka Badda Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Kormeerkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen howlgal qorsheysan oo lagu furayay waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Waddadan ayaa ah marin istaraatiiji ah oo muhiim u ah isu socodka shacabka, ganacsiga, iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee dalka. Ciidamada ayaa xaqiijiyay amniga waddada kadib markii laga saaray maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab.
Saraakiisha sare ee kormeerka tagay Baydhabo ayaa ciidamada ku bogaadiyay guusha ay ka gaareen howlgalka, iyagoo ku ammaanay,Waxay sidoo kale ciidamada ku dhiirrigeliyeen inay sii xoojiyaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amni waara.
Waddada Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ah mid laf-dhabar u ah isku socodka iyo isku xirka gobollada dalka, waxaana furitaankeeda loo arkaa guul weyn oo dhinaca amniga ah.
Wararka ayaa tilmaamaya in furitaanka waddadan uu dib u soo celinayo isku socodka shacabka iyo sahayda, isla markaana uu xoojinayo howlgalada xasilinta ee ka socda gobolka Bay.





