MUQDISHO — Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga, Gen. Metin Tokel, kaas oo lagu xoojiyay iskaashiga milateri ee labada dal.
Intii lagu guda jiray kulanka, labada dhinac waxay diiradda saareen sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta hawlgallada milateri, tayeynta iyo awood-siinta Ciidanka Xoogga Dalka, iyo kor u qaadista qorshayaasha istiraatiijiga ah ee difaaca dalka. Waxaa si gaar ah looga wada hadlay dardar-gelinta barnaamijyada tababarka, tayeynta ciidammada, iyo horumarinta hababka milateri si looga jawaabo caqabadaha amni ee dalka ka jira.
Labada taliyaba waxay isla gartay muhiimadda ay leedahay kobcinta xirfadaha hoggaamineed ee ciidamada, tababarada istiraatiijiga ah, iyo barnaamijyada kor u qaadista awooda ciidanka, iyagoo adkeeyay in iskaashiga joogtada ah uu qeyb weyn ka qaadan doono sugida amniga iyo xasilloonida gobolka.
Gabagabadii, Gen. Sahal Cabdullaahi ayaa u mahadceliyay Gen. Tokel iyo ciidamada Turkiga taageerada joogtada ah iyo garab istaagga walaalnimo ee ay si hagar la’aan ah ugu muujinayaan dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka. Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in Soomaaliya ay sii wadi doonto iskaashiga milateri ee dhow ee ay la leedahay Turkiga.



