Muqdisho – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkey, Alparslan Bayraktar, ayaa shaaca ka qaaday in markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey uu Jimcaha soo gaari doono Soomaaliya, halkaas oo uu ka bilaabi doono howlgalka ugu horreeya ee qodista shidaalka ee badda Soomaaliya.
“Jimcaha, markabkeena Çağrı Bey wuxuu imaan doonaa Soomaaliya. Markabkan ayaan ku bilaabi doonaa howlgalka qodista badda ee ugu horreeya ee Soomaaliya. Insha Allah,” ayuu yiri Bayraktar, isagoo xusay in shidaalka laga soo saaro Soomaaliya lagu fulin doono mashruuc ay ka faa’iideysan doonaan Soomaaliya, Bariga Afrika, iyo Turkiga.
Markabkan qodista qoto-dheer ayaa 15-kii Febraayo 2026 ka ambabaxay gobolka koonfureed ee Mersin, Turkiga, isagoo ku sii jeeday Soomaaliya si uu u bilaabo howlgalka shidaalka ee badda.
Wasiirka Tamarta ayaa sidoo kale sheegay in Çağrı Bey uu yahay markabkii labaad ee Turkigu ka hawlgeliyo biyaha Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in uu ka dambeeyay markabka Oruç Reis. Waxa uu intaas ku daray in markabkan uu yahay kii ugu horreeyay ee Turkigu ka hawlgeliyo meel ka baxsan biyihiisa gudaha.
Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoojinaya xiriirka labada dal, oo ay ka mid yihiin tamarta, difaaca, iyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha. Labada dowladood ayaa sanadihii u dambeeyay kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo ku saabsan iskaashiga, kuwaas oo loogu talagalay horumarinta kheyraadka dabiiciga ah iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.
Markabkan cusub ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro horumarinta warshadaha tamarta ee Soomaaliya, gaar ahaan qodista shidaalka badda, taasoo kor u qaadi karta dakhliga dalka iyo iskaashiga gobolka.



