Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Ku Bogaadiyay Howlgallada Muqdisho ilaa Baydhaba

0

 Baydhabo – Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka, Ibraahim Maxmed, ayaa ciidamada ku bogaadiyey guulaha ay ka gaareen howlgalladii wadajirka ahaa ee ka dhacay Muqdisho ilaa Baydhaba, isaga oo balanqaaday in lagu abaal marin doono dadaalkooda iyo geesinimadooda.

 

Taliyuhu wuxuu tilmaamay in howlgalladan ay muhiim u yihiin sugidda nabadgelyada iyo ka hortagga kooxaha argagixisada, isla markaana ay muujinayaan awooda iyo isku duubnida ciidamada Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa dhowr bilood ka shaqeynayay howlgallo ka dhan ah kooxaha nabad-diidka ah ee ka jira gobollada dhexe iyo koonfur ee dalka, iyaga oo xoogga saaray amniga magaalooyinka waaweyn iyo wadooyinka muhiimka ah.

Taliyaha CXD Genaral Ibraahim Maxmed ayaa sidoo kale ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ka qeyb qaataan nabadgelyada si loo xaqiijiyo horumar waara oo dalka ka dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here