Milatariga Nigeria oo dilay in ka badan 65 burcad ah kadib weerarro ka dhacay Zamfara

0

Zamfara,Nigeria – Milatariga dalka Nigeria ayaa dilay in ka badan 65 xubnood oo ka tirsan kooxaha hubeysan ee loo yaqaano burcadda, kuwaas oo lala xiriirinayo afduubyada baahsan ee ka jira dalkaasi, sida lagu sheegay warbixin amni oo la soo saaray.

 

Howlgalkan ayaa ka dhacay gobolka Zamfara, halkaas oo horey loo soo sheegay afduub ballaaran oo ka dhacay toddobaadkan. Booliska ayaa Sabtidii xaqiijiyay in weerarro ay geysteen kooxo hubeysan ay sababeen afduub wadareed, inkastoo aysan bixin tiro rasmi ah.

Si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 7 qof la dilay halka ilaa 150 qof la afduubtay kadib markii kooxo aad u hubeysan ay weerareen lix tuulo oo ku yaalla ismaamulka Bukkuyum.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in la bilaabay howlgal lagu baadi-goobayo kooxihii weerarka geystay, iyadoo ciidamada ay xoojiyeen ammaanka deegaanka.

Warbixinta amniga ee Axaddii ayaa tilmaantay in “ugu yaraan 65 burcad ah” lagu dilay howlgal militari oo ay ku tilmaantay guul weyn, inkastoo la sheegay in howlgalkaasi uu ka dhacay deegaanka Tsafe, oo qiyaastii 200 kiiloomitir u jira goobihii afduubyadu ka dhaceen.

Gobolka Zamfara ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee ay saameeyeen kooxaha hubeysan ee ka howlgala waqooyi-galbeed iyo bartamaha Nigeria, kuwaas oo si joogto ah u fuliya weerarro, afduubyo iyo dhac, iyagoo dadka ka qaata lacago madax furasho ah isla markaana guba guryaha.

Xaaladda amni ee gobolka ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo dowladdu ay dadaal ugu jirto xakameynta kooxahan Hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here