Soomaaliya oo Bilowday Ololihii Ugu Horreeyay ee Qodista Shidaalka Badda

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday ololihii ugu horreeyay ee qodista shidaalka badda, tallaabo lagu tilmaamay mid leh muhiimad dhaqaale iyo mid juqraafiyeed oo weyn.

 

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar, ayaa sheegay in haddii howlgalkaasi guuleysto, uu si weyn u xoojin karo rajada Soomaaliya ee kobaca dhaqaale ee ku dhisan kheyraadka dabiiciga ah.

“Haddii lagu guuleysto, waxay xoojin kartaa rajada Soomaaliya ee kobaca kheyraadka hogaaminaya iyadoo sidoo kale xoojinaysa doorka Turkiga ee ah saaxiib la isku halayn karo oo mustaqbal fog,” ayuu yiri wasiirku.

Waxa uu intaa ku daray in tani ay noqon karto xilli dib u qaabayn kara dhaqaalaha Soomaaliya iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa tamarta ee gobolka.

Horumarkan ayaa imanaya iyadoo markab shidaal baaris ah oo laga leeyahay dalka Turkiga, laguna magacaabo Cagri Bey, uu soo gaaray biyaha Soomaaliya si uu u bilaabo qodistii ugu horreysay ee xeebaha dalka.

Markabkan ayaa bishii Febraayo ka soo ambabaxay dekedda Tasucu ee gobolka Mersin, waxaana la filayaa in bishan gudaheeda la bilaabo qodista ceelka lagu magacaabo Curad-1, kaas oo noqon doona ceelkii ugu horreeyay ee si rasmi ah loo qodo.

Sidoo kale, sanadkii 2024, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo ku saabsan sahaminta shidaalka iyo gaaska, kuwaas oo dhidibada u aasaya iskaashi istiraatiiji ah oo dhinaca tamarta ah.

Markabka kale ee Turkiga ee sahanka sameeya, Oruc Reis, ayaa horay u soo gabagabeeyay sahanno uu ka sameeyay saddex baloog oo ku yaalla xeebaha Soomaaliya, taas oo sahashay in la bilaabo marxaladda qodista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here