Lubnaan – Kooxda Hezbollah ee dalka Lebanon ayaa sheegtay inay gantaal nooca cruise-ka ah ku weerartay markab dagaal oo ku sugnaa bariga badda Mediterranean-ka, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Axaddii, iyadoo tilmaamtay in markabkaasi uu ahaa mid ay leeyihiin ciidamada Israel isla markaana la beegsaday kadib markii muddo saacado ah lala socday dhaqdhaqaaqiisa, halkaas oo ay ku adkeysatay in gantaalka uu si toos ah u gaaray bartilmaameedkii loogu talagalay.
Dhanka kale, warbaahinta Israa’iiliyiinta ee Channel 14 ayaa soo warisay in markabka la weeraray uusan ahayn mid Israa’iili ah balse uu yahay markab laga leeyahay Boqortooyada Ingiriiska, iyadoo wararku intaas ku darayaan in markabka uu waxyeello soo gaaray balse uu sii watay howlgalka, inkastoo aan si rasmi ah loo faahfaahin heerka khasaaraha.
Ilaa hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladaha Israel ama UK oo ku saabsan dhacdadan, taasoo ka dhigeysa xogta mid weli ku jirta heer sheegashooyin is khilaafsan, iyadoo dhacdadani ay ku soo beegmeyso xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Israel iyo Hezbollah, kuwaas oo isweydaarsanayay weerarro tan iyo horraantii bishii March inkastoo hore loo sheegay inuu jiray heshiis xabbad-joojin ah oo dhaqan galay dabayaaqadii sanadkii 2024.
Falanqeeyayaal ayaa aaminsan in haddii weerarkan la xaqiijiyo uu muujin karo heer cusub oo isku dhac militari ah, gaar ahaan dhinaca weerarrada badda, taasoo sii adkeyn karta xaaladda amni ee gobolka Bariga Dhexe.




