Baydhabo – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay xarun tababar oo ay Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin magaalada Baydhabo, taas oo dhismaheeda lagu hirgeliyey taageerada dowladda UK.
Mas’uuliyiinta ayaa indha-indheyn ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarunta, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dib u bilaabista tababarada iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka si loo dhiso ciidan leh tayo iyo xirfad. Tababaradani waxay qeyb ka yihiin hawlgallada lagula dagaalamayo argagixisada iyo difaaca dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku ammaanay dowladda UK taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in xarumahan casriga ah ay door weyn ka qaadanayaan tayeynta iyo kobcinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo sugidda nabadgalyada gobolka iyo guud ahaan dalka.
Booqashada waxaa wasiirka iyo taliyaha ku wehliyey saraakiisha AUSSOM ee Qeybta 3aad.






