Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed munaasabadda 66-guurada

0

MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray dhammaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale qoysaskooda, munaasabadda 66-guurada ka soo wareegtay aasaaska ciidanka.

 

Wasiirka ayaa sheegay in munaasabaddan ay xambaarsan tahay qiime qaran oo weyn, maadaama ay astaan u tahay taariikhda dheer, halganka iyo doorka muhiimka ah ee ciidanku ka qaataan difaaca dalka, ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale adkeeyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo horumarinta nolosha ciidamada, si ay ugu suurtagasho inay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn bogaadiyey naf-hurnimada iyo geesinimada ay muujiyaan ciidamada, isagoo u rajeeyey guul iyo horumar joogto ah.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here