Tripoli – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya kaga qayb-galay munaasabad lagu dib-u-hawlgelinayey xarunta ururka CEN-SAD (Dalalka Xeebaha iyo Saxaraha).
Munaasabadda dib-u-furista xarunta ayaa waxaa xarigga ka jaray Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya, Mudane Abdul Hamid Dbeibah.
Ururka CEN-SAD, oo la aasaasay sannadkii 1998-dii, xaruntiisuna tahay magaalada Tripoli, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale, is-dhexgalka bulsho iyo nabadgelyada 28-ka dal ee xubnaha ka ah. Dib-u-furista xaruntan ayaa timid kaddib markii muddo hakad ku jiray hawlihii uu ururku ka waday dalka Liibiya.
Ka-qaybgalka Soomaaliya ee munaasabaddan ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay inay door firfircoon ka qaadato iskaashiga gobolka, isla markaana ay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Afrika.




