Baydhabo – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa maamulka degmada iyo saraakiisha hay’adaha amniga, si loo adkeeyo sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee magaalada iyo deegaannada ku xeeran.
Sidoo kale, labada taliye ayaa magaalada Baydhabo kulan xog-is-weydaarsi kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan warbaahinta madaxa bannaan iyo kuwa maxalliga ah ee Koonfur Galbeed. Intii uu socday kulankaas ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay doorka warbaahinta ee wacyigelinta bulshada iyo muhiimadda ay leedahay in ay jirto wada-shaqeyn dhow oo u dhaxeysa warbaahinta iyo hay’adaha amniga.
Ugu dambeyn, Taliyeyaasha NISA iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada kala duwan maamulka, warbaahinta iyo hay’adaha amniga—in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda amniga iyo xasilloonida guud.





