MUQDISHO — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Hu Changchun, iyagoo ka Wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.
Kulankan oo ahaa mid heerkiisu sarreeyo, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda istiraatiijiyadeed ee xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay falanqeeyeen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah.
Ergeyga Shiinaha ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu ay si adag u taageersan tahay madaxbannaanida, midnimada, iyo bedqabka dhulka ee Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale tilmaamay xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada qaran, isagoo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay tahay marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo isku xirka dunida.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ku celisay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada geesood ah iyo ballaarinta iskaashiga ee meelaha mudnaanta u leh qaranka.
Shiinaha ayaa muujiyay diyaargarowga uu u leeyahay inuu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya si loo hormariyo danaha ay wadaagaan, loona taageero qorshayaasha ay hormuudka ka tahay Soomaaliya, gaar ahaan adkaynta nabadda iyo amniga marka loo eego qaab-dhismeedka caalamiga ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday ballaarinta iskaashiga dhinacyada kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah (Blue Economy), iyadoo la aqoonsaday muhiimadda ay u leeyihiin koritaanka dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka ballaaran ee badda Soomaaliya.




