Farmaajo oo sheegay in dalka uu galay marxad Halis ah

0

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa ka digay in dalka uu galay marxalad halis ah oo saameyn ku yeelan karta amniga, wadajirka iyo dowladnimada.

 

War-saxaafadeed uu soo saaray, Farmaajo ayaa sheegay in hubanti la’aanta ku xeeran arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ay tahay sababta ugu weyn ee xaaladdan.

Wuxuu tilmaamay in muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka uu si rasmi ah u dhammaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Abriil 2026, sida uu dhigayo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 60-aad. Sida uu xusay, waxaa waajib ahayd in doorashada xildhibaannada cusub la dhammaystiro ka hor dhammaadka muddada Baarlamaanka.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in sida ku cad Qodobka 69-aad ee Dastuurka, awoodda Baarlamaanka ay saldhig u tahay sharciyadda hay’adaha dowliga ah. Sidaas darteed, maqnaanshaha Baarlamaan cusub xilli uu dhammaaday kii hore, wuxuu horseedi karaa khatar sharci iyo mid dowladnimo, oo ay ka mid yihiin, Jahwareer sharci, Isla xisaabtan la’aan  iyo Ku tagri-fal awoodeed

Dhanka kale, wuxuu xusay in ay harsan tahay oo keliya 31 maalmood oo ka mid ah muddo-xileedka Madaxweynaha, sida uu dhigayo Qodobka 91-aad ee Dastuurka, taasoo sii kordhinaysa culayska marxaladda siyaasadeed ee dalka.

Ugu dambayn, Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, si loo qabto doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo, loogana hortago firaaq dastuuri ah oo halis gelin kara xasilloonida iyo dowladnimada Soomaaliya.May be an image of ticket stub and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here