Garoowe – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada maamulkaasi.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda hubanti la’aanta ah ee dalka galay, kadib markii uu dhammaaday waqtigii rasmiga ahaa ee Baarlamaanka Soomaaliya 14-kii April 2026, iyadoo aan weli la gaarin heshiis siyaasadeed oo mideeya dhinacyada kala duwan.
Golaha Wasiirada Puntland ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo tilmaamay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo in la helo is-afgarad siyaasadeed si looga gudbo xaaladda cakiran ee taagan.
Sidoo kale, Golaha ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo waqtigiisu gabaabsiga yahay, in uu ka faa’iideysto muddada kooban ee u hartay si loo gaaro heshiis loo dhan yahay, kaas oo horseedi kara doorashooyin lagu wada qanacsan yahay oo ka dhaca dalka.
Ugu dambeyn, Golaha Wasiirada Puntland ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida dalka, lana helo hannaan doorasho oo hufan oo lagu kalsoonaan karo, si loo xaqiijiyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.




