Farmaajo oo dowladda ku eedeeyay tacaddiyo, kuna baaqay joojinta barakicinta shacabka

0

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku dhaliilay dowladda Federaalka, isaga oo ku eedeeyay inay ku kacayso dil, barakicin iyo caburin ka dhan ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

 

Farmaajo ayaa sheegay in falalkaasi “aanay ahayn kuwo la aqbali karo,” isla markaana ay horseedi karaan kacdoon dadweyne iyo in shacabka ay ka niyad jabaan dowladnimada.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu dalbaday in si degdeg ah xabsiga looga sii daayo Najiib Cali Cosoble iyo Sharmaarke Maxamuud Axmed, oo lagu tilmaamay dhallinyaro si sharci darro ah loo xiray, isla markaana loo xiray aragtidooda ku aaddan xaaladda dalka.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay xukuumadda in ay joojiso waxa uu ku tilmaamay barakicinta, dilka muwaadiniinta, ku tacaddiga shacabka iyo cabburinta dhallinyarada, isaga oo sidoo kale xusay in xukuumaddu ay ka shaqeyso sidii dalka looga badbaadin lahaa firaaq dastuuriga ah.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ku baaqay in la qabto doorasho loo dhan yahay oo hufan, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here