GAROWE, 16 Abriil 2026 – Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada Puntland.
Goluhu wuxuu si adag uga hadlay marxaladda hubanti la’aanta ah ee uu dalku galay ka dib markii uu 14-kii Abriil 2026 dhammaaday muddo-xileedkii rasmiga ahaa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo aan weli laga gaarin wax heshiis siyaasadeed ah oo ku saabsan doorashooyinka.
Golaha Wasiirada ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya ee wakhtigiisu dhammaanayo inuu ka faa’iideysto bisha kaliya ee u hartay, si loo gaaro heshiis loo dhan yahay oo horseeda doorasho la isla wada ogol yahay. Puntland waxay ka digtay cawaaqibka ka dhalan kara xaaladda taagan haddii aan la helin isfaham siyaasadeed oo dalka ka badbaadiya xasillooni darro.
Dhinaca kale, Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka.
Qorshahan ayaa looga gol-leeyahay in Dowladda Puntland ay gaarto isku-filnaansho xagga caafimaadka ah mustaqbalka fog, iyadoo la hubinayo tayada adeegyada la siiyo shacabka. Sidoo kale, wasiirrada ayaa warbixinnada amniga, cadaaladda, iyo mashaariicda horumarinta ka dhegaystay wasaaradaha ay khuseyso, iyadoo xoogga la saaray xoojinta nidaamka dawladnimo iyo adeegga bulshada.




