Al-Shabaab oo dad isku qoys ah ku weeraray duleedka Afgooye + Khasaaraha

0

 MUQDISHO (SMN) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay maanta ka gaysteen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo beegsaday gaari ay la socdeen dad shacab ah.

 

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa waxyeello ay kasoo gaartay saddex qof oo isku qoys ah oo la socday gaariga la rasaaseeyay, xilli uu marayay agagaarka degmada Afgooye oo qiyaastii illaa 30 kiilo mitir u jirta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

Saddexda qof oo si deg-deg ah loola soo cararay caasimada ayaa la geeyay isbitaalka Kalkaal oo ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku geeriyoodeen laba kamid ah dhibayaasha kuwaas oo kala ah Marxuum Mohamed Abdi iyo Marxuum Axmed Mohamed Abdi, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka.

 

Sidoo kale, waxaa weerarkan ka badbaaday Abdirahman Mohamed Abdi oo uu dhaawac soo gaaray, kaas oo loo fidiyay daryeel caafimaad oo deg-deg ah. Ehellad ayaa sidoo kale sheegay in ay dareemayaan xanuun daran, maadaama ay dhibanayaal u noqdeen Al-Shabaab.

Inta badan kooxda ayaa weeraro gaadmo ah ka fulisa gudaha caasimada iyo magaalooyinka u dhow iyada oo beegsata dadka nugul, waxaana arrintaas kuu muujinaya weerarka maanta lagu qaaday saddexda qof ee lagu rasaaseeyey aagga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here