Madasha Samatabixinta oo Ka Digtay Qorshe Lagu Baarayo Guriga Gen. Odawaa Yuusuf Raage

0

Muqdisho – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ka digtay waxa ay ku tilmaamtay qorshe lagu doonayo in lagu baaro guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, xilli ay sare u kacayaan xiisadaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Samatabixinta ayaa lagu sheegay in ay walaac ka qabaan tallaabooyinka ay dowladda waddo, gaar ahaan kaddib markii Taliska Booliiska Qeybta Gobolka Banaadir uu shaaciyay qorshe lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah ee ku sugan xaafadihii dhowaan lagu dagaallamay.

Madasha ayaa sheegtay in ay ka digeyso tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaadyo cusub ama sii xumeyn karta xaaladda amni ee magaalada, iyagoo ugu baaqay dowladda inay ka fogaato falal horseedi kara xiisad hor leh.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda ay habeenkii hore hareereeyeen guriga degmada Cabdicasiis uu ka degan yahay Janaraal Odawaa Yuusuf Raage. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay adkeeyeen dhaq-dhaqaaqyada ka socda nawaaxiga gurigaasi, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin ujeeddada tallaabadaas.

Dhanka kale, Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa hore u sheegay in howlgalka hub-ururinta uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga, laguna xakameynayo hubka sharci-darrada ah ee ku sugan xaafadaha ay saameeyeen dagaalladii dhowaan ka dhacay Muqdisho.

Xiisadda ka taagan degmada Cabdicasiis ayaa weli si dhow loola socdaa, iyadoo ay jiraan baaqyo ku aaddan in la dejiyo xaaladda lagana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaadyo cusub.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here