Maydad tahriibayaal ah oo laga helay xeebaha Liibiya iyo qaar Soomaali looga shakisan yahay

0

Zuwara – Ugu yaraan 17 mayd oo la rumeysan yahay inay yihiin tahriibayaal ayaa laga soo saaray xeebaha u dhow magaalada Zuwara ee galbeedka caasimadda Tripoli, sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta iyo Xarunta Gargaarka iyo Daawada Degdegga ah ee Liibiya.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta oo hoos timaada Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in maydadkan laga helay xeebaha Zuwara, oo qiyaastii 117 kiiloomitir u jirta galbeedka Tripoli. Shaqaalaha gurmadka ayaa si degdeg ah u bilaabay howlaha soo saarista iyo aasidda maydadka.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in 14 ka mid ah maydadka si degdeg ah loo aasay iyadoo la raacayo hab-raacyada caafimaadka iyo xaaladaha degdegga ah. Hal qof oo ka mid ah maydadka ayaa la aqoonsaday inuu u dhashay Bangladesh, waxaana lagu wareejiyay qoyskiisa ku sugan Tripoli.

Saddex mayd oo kale ayaan weli si rasmi ah loo aqoonsan, waxaana jira tuhuno sheegaya in qaar ka mid ah ay Soomaali yihiin, inkastoo aan weli la helin xaqiijin rasmi ah.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay shaqaalaha caafimaadka oo maydadka ku ridaya bacaha meydadka, kadibna lagu rarayo gaadiidka ambalaasyada si loo geeyo goobaha aasidda.

Liibiya ayaa muddo dheer ahayd marin muhiim ah oo ay maraan muhaajiriinta ka cararaya colaadaha, saboolnimada iyo duruufaha adag ee ka jira dalalkooda, iyagoo rajeynaya inay gaaraan qaaradda Yurub.

Xaaladdan ayaa si weyn uga sii dartay tan iyo markii la afgambiyay hoggaamiyihii hore ee dalkaas, Muammar Gaddafi, sanadkii 2011, taasoo dhalisay fowdo siyaasadeed iyo amni darro muddo dheer socotay. Tan iyo markaas, dalka ayaa noqday mid ka mid ah waddooyinka ugu halista badan ee tahriibka badda Mediterranean-ka.

Dhacdadan ayaa mar kale iftiiminaysa halista sii kordheysa ee muhaajiriinta ku sugan Waqooyiga Afrika, gaar ahaan kuwa isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka, halkaas oo kumannaan qof ay sannad kasta ku waayaan noloshooda.

Mas’uuliyiinta Liibiya iyo hay’adaha samafalka ayaa weli ku howlan aqoonsiga maydadka haray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here