Muqdisho – Waxaa Kulan Albaabada u xiran yahay uu guriga uu magaalada muqdisho ka deganyahay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ku yesheen Mucaaradka & Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya.
Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa Ajandaha ugu weyn uu ku saabsan yahay in Turkiga uu san ku dhex milmin xiisada gudaha ee Soomaaliya,sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo ku dhow xubnaha Mucaaradka waxaa socdo doodo xasaasi ah oo Mucaaradka ay hor dhigeen Safiirka.
Kulankan ayaa imanaya xili ay mucaaradka maalhanba ay kulamo abaabulan ka wadeen muqdisho kaasi oo ka dhan madaxweyne xasan sheekh maxamuud oo mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu ku ekyahay 15 Bisha May sida ay Mucaaradka doodayan.
Dowlada ayaa laashay islamkaana meesha ka saartay Dastuurkii hore, iyadoona soo saartay mid cusub oo u ogolaanaya in mudo hal sano oo dheeraadka ah ay xukunka sii joogaan taasi oo ay mucaarad si weyn uga soo horjeedaan.




