Addis Ababa – Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay taageerada howlgalka nabad-ilaalinta ee AUSSOM ka fuliyo Soomaaliya, kadib kulan ka dhacay xarunta ururka.
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika, oo ku hadlayay magaca Guddoomiyaha Guddiga H.E. Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Uganda, Rt. Mudane Robinah Nabbanja.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada nabadeynta qaaradda, gaar ahaan doorka muhiimka ah ee howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, kaas oo muhiim u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, Amb. Haddadi ayaa uga mahadceliyay dowladda Uganda, oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Yoweri Kaguta Museveni, kaalinta muuqata ee ay ka qaadaneyso howlgalka, gaar ahaan naf-hurnimada ciidamada UPDF ee ku sugan Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu abaabulayo agabka iyo taageerada loo baahan yahay si howlgalka AUSSOM uu u gaaro himilooyinkiisa la xiriira nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya.




